Ciyaaryahan Moo Farah oo ku guuleystay billada dahabka ee Orodka 10,000 ciyaaraha Olombikada Adduunka

Orodyahanka Caanka ah ee Maxamed Faraah una dhashay Soomaali balse haysta dhalashada Dalka Ingriiska ayaa xalay ku guuleystay billada dahabka ee ciyaaraha Olombikada isagoo u ordayay dalka Ingriiska.

Maxamed Faarah la baxay Moo Farah ayaa xaas iyo caruurba ku leh Dalka Ingriiska halkaasoo la geeyay isagoo 8 jir ah xiliyadii dagaalada ay ka bilowdeen Soomaaliya waxaana guushaasi ay wax weyn u tahay dadka Soomaaliyeed oo ninkaasi ku abtirsado asal ahaan.

Mo Farah waxaa galay kaalinta ugu horeysay ka galay orod dhan 27 daqiiqo 30.42 ,waxaana ku soo xigsaday oo labaad soo cariirsaday orodyahanka u dhashay dalka Mareykanka ee Galen Rupp halka kaalinta Saddexaad uu galay Tariku Bekele oo reer Ethiopia ah kaasoo ahaa orodyahankii afar sano kahor ku guulestey billada dahabka.

Orodyahanaaki Soomaaliga ah balse haysta dhalashada Dalka Ingriiska ayaa dhashay sanadkii 1983-dii balse dagaaladii markii ay bilowdeen ayaa la geeyay dalka Ingriiska isagoo 8 jir ah ilaa hadana halkaasi ayuu ku noolaa wuxuuna leeyahay xaas iyo caruur.




 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone