Gudd. Degmada Warta Nabadda oo casho u sameeysay ciyaartoyda kooxaha ka qeyb gelay tartanka Ramadaanka ee degmadaasi ka furmay

Degmada Warta Nabadda oo ka tirsan degmooyinka G/Banaadir ayaa waxaa ka bilowday tartan Isboorti midkii ugu ballaarnaa oo ay ciyaarayaan ilaa 40-koox oo ka tirsan naadiyada K/Cagta qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir.

Tartankaan Isboorti oo ah mid ay maalin kasta isaga hor yimaadaan ilaa 4-kooxood ayaa waxa uu ka dhacayaa garoonka K/Cagta ee degmada Warta Nabadda oo iyadu martigelisay tartanka ciyaaraha lagu maamuusayo bisha barakeysan ee Ramadaanka.

Guddoomiyaha Warta Nabadda Deeqa C/qaadir Axmed ayaa ka warbixisay ujeedada laga leeyahay qabashada tartamada Isboorti ee ka bilowday Degmadeeda, waxayna sheegtay in dhallinyarada lagu dhiirigeliyo Isboortiga iyo is dhex galka bulshada inay is bartaan dhallinyarada G/Banaadir, taasi oo ay sheegtay in dhallinyarada ay ka qeyb qaataan nabadda.

“Tartanka Isboortiga ee ka bilowday deg. Warta Nabadda wuxuu astaan u yahay sid dhallinyarada G/Banaadir looga weecin lahaa inay ku kacaan falalka amni darrida ah iyo inay gacanta u galaan kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida oo ay u adeegsadaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan” ayay tiri Guddoomiyaha Degmada Warta nabadda Deeqa C/qaadir Axmed.

Dhinaca kale Guddoomiye Deeqo waxay sheegtay inay iyadu si gaar ah ula socoto ciyaaraha Isboortiga ah, iyadoona sheegtay in tartanka Isboortiga lagu maamuusayo bisha barakeysan ee Ramadaan la soo gabagabeynayo maalinta Jimcaha ah.

Degmada Warta Nabadda oo ah degmada ugu dhaqdhaqaaqa badan degmooyinka G/Banaadir isla markaana shacabkeeda iyo maamulkeeduba ay yihiin kuwo isku xiran ayaa waxay taasi keentay in degmadu ka horumarto dhinac walba, waxayna Guddoomiye Deeqo in gudaha degmada ay ku qabteen kooxo ku labisan dareyska ardayda kana tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo xukunno kala duwan lagu riday.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone