Ciidamada Kenya oo sheegay inay dileen 100 dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsan
Afayeenka ciidamada kenya u qaabilsan howlgalka AMISOM ee somalia laga wado Major Emmanuel Chirchir ayaa boggiisa tweetarka ku sheegay inay dileen 73 ka tirsan dagaalyahanada xarakada al shabab oo ay gacanta ku dhigeen hub badan oo shababku ay lahaayeen kadib dagaallo xoogan oo ay kula galeen deegaanka faxfaxdhuun ee koonfurta Soomaaliya .
“Xaqiiqdii Waxaan dilnay 73-ka tirsan Al-Shabaab , waxana aynu gacanta ku dhignay 40 qori oo dagaalyahanada shabab ay ku dagaalamayeen “ayuu Emmanuel Chirchir ku yiri boggiisa Tuweetarka.
Afayeenka ciidamada kenya u qaabilsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa Waxa uu sheegay in dagaalku uu yimid ka gadaal markii kun askari oo Shabaab ka tirsan ay soo weerareen saldhigyo ciidamada Kenya iyo Soomaalida ay degan yihiin.
“Waxay inagu soo qaadeen weerar ,waa aynu iska caabinnay ,annagoo ka reebannay 4 gaari oo nuuca waaweyn oo kuwa dagaalka ah”ayuu afayeenka ciidamada Kenya mar kale ku yiri tuweetarkiisa.
Dhinaca kale Kenya ayaa ciidamadeeda Soomaaliya soo gelisay bishii October ee sanadkii hore waxayna Al-Shabaab ay ka saartay deegaano ku yaala koonfurta Soomaaliya .
