Kenya oo ciqaabeysa qaswadayaasha Somalia

Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa ku hanjabay inuu cuna qabatayn kusoo rogi doono dad uu ku tilmaamay inay yihiin qas wadaashasha Soomaaliya haddii ay carqaladeeyaan doorashada madaxtinimada Soomaaliya iyo hanaanka nabadaynta Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya waxaa uu sheegay inay in dawladiisa aysan marnaba aqbali doonin in shaqsiyaad Soomaali ah oo ka hor imaanaya hanaanka Roadmap-ka iyo doorashooyinka madaxtinimada ay dalkeeda galaan kadibna ay ku noolaadaan waxaana uu intaa kudaray indawladiisu cuna qabatayn doonto.

Mwai Kibaki waxaa uu sheegay inuu digniin kulul u dirayo siyaassiinta Soomaalida oouu sheegay inuu uga digayo inay qaswadayaasha ku biiraan waxaana uu xusay ciddii ay ku cadaato inay tilaabo dawladiisu ka qaadayso.

“Soomaalida waqti badan ayaa ku socda laakiin annagu waxaan cadaynaynaa in dawladeenu aysan raali ka ahayn in la carqaladeeyo hanaanka nabada Soomaaliya iyo doorashooyinka madaxtinimo” ayuu yiri M/weyne Kibaki.

Dawlada Kenya oo Soomaaliya daris la ah ayaa ku lug leh arrimaha Soomaaliya amni ahaan iyo siyaasad ahaanba.Siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa inta badan marka ay Soomaaliya ka tagaan waxay dagaan dalka Kenya halkaasoo ay mararka qaar ka mucaaradaan hadba dawlada markaa jirta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone