Dowladda Norwey oo walaac ka muujineysa dib u dhac ku yimaada Hanaanka doorashada Somalia.

Dowladda Norwey ayaa waxa ay sheegtay inay ka walaacsantahay dib u dhac ku yimaada xilliga doorashada somalia oo ah 20 August oo labo maalin un kaliyaay inaga xigaan.

Wasiirka arimaha dibadda dallka Norwey boonaas jaar satawaraah ayaa magaalada Oslo ka sheegay in dowladdiisu ay aad uga walaacsantahay in dhinacyada soomaalida ay hareermaraan jadwalkii loo qabtay ka gudbista xilliga KMGnimada .

“Waxaa muuqaneysa habacsanaan aad u weyn oo jira, weli barlamaankii si toos ah looma soo xulin , waxana la soo sheegayaa musuq maasuq iyo kursi gadasho taasina waa midda nagu beereysa walaaca “ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha dalka Norwey boonaas jaar satawaraah , waxana uu hadalkiisa intaa uu ku daray in somalia xilligan ay mareyso marxaladdii ugu kululeyd taariikhdeeda , waayo waxa ay u baahantahay ayuu yiri soo celinta degenaashahii , nabaddii iyo horumarkii dalka somalia.

Sidoo kale wasiirka horumarinta dowladda Norwey erik soolham ayaa isna waxa uu dhinacyada soomaalida uu ka codsaday inay la shaqeeyaan guddiga farsamada ee qaabilsan soo xulista barlamaanka si dhaqsi loo soo xulo barlamaanka cusub ee somalia kuwaas oo dooranaya afayeen iyo madaxweyne.

Beesha caalamka ayuu wasiirku sheegay in looga baahanyahay indha ku heynta marxaladda hadda somalia ay ku jirto iyo sidii ay u xallin lahaayeen caqabad waliba oo somalia u diideysa inay yeelato dowlad dhexe oo ay ka baxdo KMGnimadii soo bilaabatay sanaddii 2004ta QM , Ururka midowga yurub , urur goboleedka IGAD iyo midowga africa ayaa horay wal wal uga muujiyay dib u dhac ku yimaada xilliga doorashada somalia .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone