Guddoomiyaha Hay’adda CCD oo hambalyada Ciida u diray shacabka Soomaaliyeed
“Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxaan leeyahay Hambalyo bilashada Ciidul-Fitriga awgeed” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda wadahadalka CCD oo haatan ku sugan magaalada Dubai ee wadanka Isu tagga Imaaraadka Carabta.
Waxa uu sheegay Md. Ciise Cadde isagoo ka faa’iideysanaya munaasabadda Ciidul-Fitriga in shacabka Soomaaliyeed qof kasta ay mas’uul weyn ka saaran tahay sidii uu uga shaqeyn lahaa nabad ku soo dabaalidda dalkiisa, uga qeyb qaadan lahaa dhaqdhaqaaqyada nabadda ee ka socda dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Hay’adda Wadahadalka Bulshada CCD oo ka shaqeysa sidii shacabka Soomaalida ay uga wada tashan lahaayeen aayaha dalkooda, ayuu sheegay Guddoomiyaha hay’adaasi in iyadoo lagu waana qaadanaayo wixii dhibaatooyinka miiran ahaa ee uu dalku soo maray maanta ay la gudboon tahay qof kasta oo Soomaali ah inuu u damqado kana dhiidhiyo in mar kale dalka la geliyo colaado sokeeye.
Dhinaca kale Md. Ciise Axmed Cumar waxaa kale oo uu ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in dareenkooda ay iminka u jeediyaan sidii dalkooda ay dib ugu dhisi lahaayeen, isla markaana u soo celin lahaayeen bilicdii uu lahaa mar haddii laga guuleystay kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida ee diin-beenaadka ku burburiyay dalka.