Maxaabiis Cafis ka helay madaxweyne Shariif oo laga sii daayay Xabsiga dhexe ee Muqdisho.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maxaabiis gaaraysa ilaa 220-ruux oo ku jirtay Xabsiga dhexe ee Muqdisho Gaalshire u fidiyay cafis Munaasabadda Ciidul Fitriga aawgeed.

Maxaabiista maanta cafiska loo fidiyay ayaa isugu jirta Rag iyo dumar, iyadoo maxaabiistaan ku xukunaa xukunno kala duwan ayaa hadana lagu cafiyay amarka Madaxweynaha, sidaasna uga baxeen Gaalshirihii ay ku jireen.
Axmed Xasan Gaboobe oo ah Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa wabaahinta u sheegay in maxaabiistan ay ku jireen sideed dumar ah iyo toddoba ruux oo ajnabi ah, dhamaantoodna uu cafis u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in maxaabiistaas laga soo qabqabtay intooda badan magaalada Muqdisho, wuxuuna wasiirku cadeeyay inay ku xukunaayeen dambiyo fudud.
Madaxweyne Shariif ayaa marka la gaaro ciidaha cafisu fidiya qaar ka mid ah maxaabiista ku jira xabsiga dhexe, waxayna maxaabiista qaarkood u sheegeen saxaafadda inay ku faraxsan yiiin cafiska uu Madaxweynaha u fidiyay.