Beesha Caalamka oo cadaysay in 20-ka Ogosto oo Howsha Dowladda KMG ah ay ku eg tahay

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray safiirada  dowladaha Yurub iyo Mareykanka u fadhiya Soomaliya,  waxayna kulamo la qaateen  mas’uuliyiin ka tirsan qaramada Midoobay, waxayna sheegeen in maalinta berito ah ay ku eg tahay xilka madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya.


Safiiradaasi dalka soo gaaray ayaa  garoonka Aadan Cadde ee magalada Muqdisho ayaa ka kala socday dalalka Mareykanka, Britain, Talyaaniga Turkiga iyo Augustine Mahega, waxayna shirkooda uga hadleen sida waqtiga loogu talagay loogu qaban lahaa doorashooyinka, islamarkaana loo dhisi lahaa dowladda cusub ee Soomaaliyeed.
Danjie Mahiga ayaa sheegay in waqtiga loo qabtay in lagu dhameeyo, islamarkaana dowladda aan wax waqti ah lagu darin si loo dhiso dowlad cusub oo ay yeelato Soomaaliya, wuxuuna sheegay in 20-ka August ay ku egtahay xilka mas’uuliyiinta dowladda marka laga reebo Madaxweyne Sheekh Shariif kaas oo si KMG ah u haynaya xilka.
Mahiga ayaa sheegay  in beesha caalamka ay ka go’an tahay sidii ay  u dhisi lahaayeen dowlad dhameystiran oo ay yeelato dalka Soomaaliya, iyadoo maalinta Berito lagu wado in kulankii ugu horeeyay uu yeesho Baarlamaanka Cusub, si ay shir gudoon ugu doortaan ninka iyaga ugu da’da wayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone