Tartanka Isboortiga Bisha Ramadaan oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay + Sawirro
Tartanka Sports waxaa galabta Finalka isugu soo haray labo kooxood oo kala ah Hospital Madina iyo New-Tigers ciyaarta oo aheed mid aad u xiiso badan ayna kazoo qeyb galeen taageeroyaal farabadan sidoo kale waxaa kazoo qeyb galay Marti sharaf aad u badan oo ka kala socotay Madaxda Hay’adaha Kanava Youth Center iyo Somali Assembly for Youth (SAY) waxaana guusha ku raacday kooxda Hospital Madina oo 1:0 ugu itaal sheegatay kooxda New-Tigers.

Waxaa halkaas ka hadlay gudoomiye kuxigeenka Kanava youth Center Mr. Liibaan Maaxi Macalim oo ku dheeraaday howlaha u adeegida dhalinyarada iyo isdhexgalkooda sidoo kale wuxuu amaanay gudiga Olympic da Soomaaliyeed (GOS) iyo dowrka ay ka qaateen taabagelinta Tartankaan oo ahaa kii ugu weynaa ee bil ramadaan eek a dhaca Muqdishu.
Waxaa sidoo kale ka hadlay Guddomiye ku Xigeenka Dalada isutaga Dhalinyarada Soomaaliyeed Mr. Abdulqadir Abubakar Sheikh (Weeha) oo ku dheeraaday sida ay lagama maarmaan u tahay in tartankaan oo kale loo qabto dhalinyarada wuxuuna sheegay Mr. Weeha Tartankaan in ay ka qeyb qaadanayeen 16 kooxood maantana ay finalka wada joogaan labo koox dadaal dheerna loo soo galay taabagelinta barnaamijkaan oo ay u iska kaashanayeen labada hay’ad ee SAY iyo Kanava Youth Center.
Waxaa gabagabadii tartanka la bixiyay bilado iyo koobab labada kooxood ee kaalmaha koowaad iyo labaad galay sidoo kale arbitarihii ugu wanaagsanaa waxaa la siiyay asigana abaal marin sidoo kale ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa waxaa la gudoonsiiyay hadiyad qiimo leh waxaa sidoo kale la siiyay abaalmarin ciyaaryahankii ugu yara uguna ciyaarta fiicnaa tartanka sidoo kale boortiyeerihiii ugu wanaagsanaa waxaa la siiyay abaalmarin qiimo badan.
Waxaa kasoo qeyb galay oo halkaas ka bixinayay hadiyadaha Madaxda GOS iyo Nordic International Support (NIS) Foundation iyo marti sharaf kale oo u faro badan.