Saacadaha soo socda oo lagu wado in la dhaariyo Mudanayaasha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Waxaa maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu dhaariyo tiradii ugu badneyd ee Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee uu dalku yeelanayo ayadoo islamaantana ay Mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka marka la dhaariyo kadib dooran doonaan guddoon KMG ah oo ah ninka ugu weyn.

Guddiga xuliska Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ayaa sheegay inay diyaar yihiin oo kaararkii aqoonsiga la siiyay Xildhibaano tiradoodu gaareyso 230-Mudane, iyagoona sheegay inay gacanta ku hayaan Xildhibaanada kale oo ay baarayaan inay shuruudaha buuxin karaan iyo in kale.
Haweeney lagu magacaabo Xaliimo Ismaaciil oo ah Guddoomiyaha guddiga farsamada ee soo xulaya Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka uu dalku yeelanayo ayaa tilmaantay in maanta ay magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan kulankoodii ugu horreeyey islamarkaana la dhaarin doono ayagoo marka la dhaariyo ka dibna ay iska soo dhex saari doonaan xubinta ugu da’da weyn oo shir guddoon u noqon doona Baarlamaanka cusub.
Dhinaca kale Xaliimo waxay tilmaantay in xubnaha maqan iyana dhawaan la dhaarin doono marka la soo gudbiyo magacyadooda, iyadoo xustay in isla maanta la dhaarindoono dhamaan xildhibaannada dhawaan magacyadooda la soo gudbiyay kuwaas oo gaarayaa ilaa 200 oo mudane ah.