Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Muqdisho ka socota

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iminka doorashadiisa ka socota xarunta Golahaasi ee magaalada Muqdisho, iyadoona saakay ay bilaabatay codeynta musharaxiinta u tartameysa jagada guddoonka Baarlamaanka rasmiga ah ee Soomaaliya.


Guud ahaan jawiga magaalada Muqdisho ayaa saakay degan, kaddib markii ay bilaabatay codeynta Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka, waxaana xarunta Baarlamaanka soo xaadiray 255-Xildhibaan oo qaarkood mar dhow la dhaariyay.
Dhinaca kale waxaa weli socda muranka ku saabsan ku dhowaad 20-mudane oo beelahooda u soo gudbiyeen guddiga xulista Baarlamaanka dib u celiyeen.
Waa markii ugu horeysay oo guddoomiye Baarlamaan lagu doorto magaalada Muqdisho oo dadka inta badan aaminsanaayeen inaan lagu qaban karin doorasho iyo dhismo dowlad Soomaaliyeed toona.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone