War Deg deg ah: Prof. Jawaari iyo Dr. Cali Galayr oo iskugu soo haray doorshada Gudoonka baarlamaanka

Waxaa hada soo gababa gabooabay wareergi hore ee cod bixinta Gudoomiyaha Baarmalaanka iyadoo Xubnaha u tartamaya Gudoonka Baarlamaanka uu ugu horeeyo Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana ku soo xiga oo isna tira fiican heysta Cali Khalif Galeyr, Xubnaha tartamaayo ayaa haatan u muuqdo inay raadinyaan oo ay wadaan olole ay ku doonayaan inay ku sii helaan codadka kale maadaama la leeyahay waxaa loo gudbayaa wareega labaad ee codbixinta.


Wareegi hore ee hada soo dhamaaday ayaa waxaa si weyn ugu horeeyay Jawaari balse waxaa ku daba dhawaa Galeyr, waxaana haataan la saadaalin karin cida sida |rasmiga ha ugu guuleysan doonta Gudoonka Baarlamaanaka.

 

Sidoo kale  waxaa musharxnimadii doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ka tanasulay C/rashiid Maxamed Xidig oo helay cod dhan 10-cod  iyo Cabdi Xaashi C/laahi oo isna helay 23-cod, waxayna goobta ka sheegeen inay codkii ay heleen inay siinayaan Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, waxaana hadda tartanka isugu soo haray Prof Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” 119-cod helay iyo Dr. Cali Khaliif Galayr oo isna helay cod dhan 77–cod dhan.

 

Tartanka codaynta qeybta labaad ayaa goordhow bilaabanaya, iyadoo tartanka lagu kala bixi doono cod dhan 50+1 ama hal dheeri, waxaana ugu cad cad inuu xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ku guulaysto Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari .

 

Waxaa soo xaadiray Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ilaa 236-xildhibaan, waxaana iminka la dhaariyay Fanaanada wayn Saado Cali Warsame iyo xubno kale oo aan horay loo dhaarin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone