Weriyeyaashii Shalay dilay oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)
Magalada Muqdisho waxaa maanta lagu aasay Weriyeyaal shalay ku geeriyooday qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay maqaayadda Village oo ku taala guriga Hooyooyinka, weriyeyaashaas oo laba ka mid ah u shaqeynayay Warbaahinta Dowladda, waxaana aaskooda ka qeyb galay madax ka tirsan Warfaafinta Dowladda, Weriyeyaal iyo dadweyne fara badan.
Allaha u naxariistee Weriye Liibaan Cali Nuur oo ka mid ahaa weriyeyaashii ku geeriyooday qaraxa shalay ka dhacay Muqdisho ayaa maanta lagu qabuuro ku yaala degaanka Jasiira oo dhinaca bari uga beegan magaalada Muqdisho.
Weriye C/Sataar Daahir Sabriye ayaa isna lagu aasay qabuuro ku yaala isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa sidoo kale ka soo qeyb galay boqolaal ruux oo isugu jira ehelada weriyaha, Suxufiyiin, madax ka tirsan Dowladda iyo dadweyne asxaabtiisii ka mid ahayd.
Madaxda Dowladda ee iyagu ka soo qeyb galay aaska labada Weriye waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi, wuxuuna u tacsiyadeeyay ehelada labada Weriye, asxaabta iyo dhammaanba weriyeyaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
“Gacan ka gar daran ayaa dishay labada Weriye iyagoo u adeegaya dadkooda iyo dalkooda, waxaana leenahay kuwa caadeystay daadinta dhiigga shacabka iyo dilka dadka qiimaha ku leh dalkooda iyo dadkooda nagama baajineyso howlaha aan u heyno Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Agaasime Bahlaawi oo dhinaca kale sheegay in kooxaha dhagar qabayaasha ah ay muteysanayaan cawaaqib aad u daran.
Dhinaca kale waxaa goobta uu ka dhacayay aaska weriyeyaasha ka hadlay Weriyeyaal dhowr ah, kuwaasi oo sheegay inay sii wadayaan mihnadooda warbaahineed, isla markaana aanay marnaba ka baajin doonin weerarada, caga jugleynta iyo falalka ay kula kacayaan kuwa shar-wadayaasha ah.












