Sheekh Maxamed Umal :Muxaadaro Diini ah oo lagu qabtay Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa soo gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda isagoo ka yimid dalka Kenya oo uu degan yahay, waxaana si diiran u soo dhaweeyay Khadiibka iyo Imaamka Masjidka At-towxiid Sheekh C/weli C/llaahi.

Sheekh Umal ayaa wuxuu muxaadarooyin ka jeediyay Jaamacadda International Univertsity of East Africa iyo Masjidka At-towxiid ee xaafadda Kisinyi, iyadoo Muxaadarooyinkaasi ay ka soo qeyb galeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha dalka Uganda, culumaa’udiin, waxgarad, dhalinyaro iyo haween, waxayna muxaadarooyinkaasi cinwaankoodu kala ahaayeen “Nolosha iyo Fahamkeeda” iyo “Inaad tahay addoon waa sifo aadan marnaba ka fakan Karin”.

Sheekhu waxa uu yiri waa inaad barataan nolosha aakhirada, sidoo kale waxa uu yiri barta cibaadada oo Allaah ha ku caabudina jaahilnimo, waxaa la iska doonayaa cilmi, camal iyo dhaqan, qalbiga daacad ayaa noolaysa, faafiya tiowxiidka noqdana shaqaale Alle, waa darajada ugu weyn ee uu qofku gaaro ayuu yiri sheekhu.

“Ku adkaada caqiidada, geed aan caleen lahayn dadkii ku wareegsan lahaa ma tihiin, inaan garanno nolosha fahamkeeda aas-aas ayuu inoo yahay, haddii uu fahamku kaa qaloocdo wax badan ayaad lumaya”ayuu yiri Sheekh Umal oo ka digay barashada falsafadda, waayo ayuu yiri caqiidada iyo iimaanka qofka ayay wax galineysaa.

“Barashada falsafadda waxaa wanaagsan in laga horreysiiyo barashada Diinta, waayo Diinta ayaa kaa ilaalinaysa inaad ku dhex lunto falsafadda, adigoo aqoon u leh Diinta ayaa waxay kaa ilaalinaysaa wax walba oo ku simbiririxin kara” ayuu yiri Sheekha.

Sheekh Maxamed Umal waxa uu sidoo kale yiri “Majirto xilli aad addoonnimo ka baxayso, Allaah awaamiirtiisa ku dul socda, doonitaanka xagga Alla ayuu ka yimaadaa, Allaah inaad u noqoto waa sharaf, addoonkana sharaf ayay u tahay, waana qasab inaad Alle adoon u noqoto, waana darajada ugu sareysa ee malaa’igta, rususha iyo anbiyada, waa addoonimo”.

“Khalqigu waa labo mid uun, cibaadatullaah iyo cibaadatu-sheydaan, dhibaato adduun iyo aakhiro waxay ku jirtaa in Allaah aadan ka cabsan oo sharcigiisa aan la qaadan, waana inaan ka xorowno wixii quraafaad ah oo aadamigu ku dhegan yahay” ayuu yiri Sheekh Umal .

Dadka Soomaaliyeed ee uu la hadlayay Sheekha ayaa waxa uu kula dardaarmay Alle ka cabsi, waxa uuna sheekhu intaas sii raaciyey wixii Allaah qorsheeyay ayay ku jirtaa danteena, sharciga oo aad ilaalisaa waa muhiim, waana inaad towbad keentaa haddii ay wax idinka halaabaan ayuu yiri Sheekha, oo dadka ku booriyey inay Allaah ka cabsadaan si qarsoodi ah iyo si muuqataba.

Sheekhu waxa uu kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba kala dambeyn, is maqal, is qadarin, “Dadka danaheena u taagan waa in lala shaqeeyo, fitno iyo balo dad ka shaqeeya ha noqonina” ayuu yiri Sheekha oo si gaar ah u xusay qabyaaladda oo uu sheegay in ay tahay wax xun, waayo ayuu yiri in ay wax dumisa mooyee waxba reebi meyso, wuxuuna yiri qofkii sii noolaada khilaaf badan buu arki doonaa, nabigeena Muxamed(NNKH) waxa uu yiri qabsada sunnadeyda iyo sunnada Khulaafaa’u Raashudin, gowska dambena ku qabsada, marka taas ha iloobina ayuu yiri.

Sheekha ayaa waxaa la weydiiyey su’aalo fara badan, inkastoo dhammaan su’aalihii loo gudbiyey uusan kawada jawaabin waqtiga awgiis haddana su’aalihii uu ka jawaabay si saraaxad leh ayuu uga jawaabay intii Alle ka waafajiyey.

Su’aalaha la weydiiyey waxaa ugu muhiimsanaa cunista hilibka waraabaha oo in badan doodi ay ka taagnayd, wuxuuna yiri waa la cuni karaa, balse mas’aladaasi waa mas’alo khilaafi ah.

Sidoo kale waxaa la weydiiyay in weli la’aan la guursan karo iyo in kale, wuxuuna yiri “Weli la’aan guur kuma ansaxayo, ee muujiya guurka, laakiin wuxuu sheegay dadkii horey ugu dhashay guurka Masaafada ee weli la’aanta meher sameeyay eeku ilmo dhalay in guurkoodaas uu xalaal yahay, wuxuuse xusay in qofkii uu soo gaaray cilmiga guurka inaanu ku kadsoomin guurka weli la’aanta.

Waxa kale oo su’aalihii la weydiiyey ka mid ahaa Seegada (Gacanta oo shahwada la isaga keeno” ma bannaan tahay, mise ma banaana, wuxuuna yiri “Dadka mu’miniinta ah waxay farjiyaashooda ku xafidaan xaasaskooda iyo addoomadooda, qofkii intaas wax ka soo haray damac ka gala ama raadiye waa uu xadgudbay, isagoo yiri dhakhaatiirtu waxay ogaadeen in Siddeed cudur ay ka dhalato seegada.

Waxa uu Sheekhu kula dardaarmay umadda Soomaaliyeed in ay guurka badiyaan si buu yiri waddamada nagu xeeran ee naga dadka badan aanay dhulkeena u qaadan.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo muddo labo maalmood ku sugnaa magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa caawa fiidkii dib ugu laabtay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.




 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone